Gå till innehåll

Inställningar för cookies

Vi använder cookies för att säkerställa grundläggande funktioner på webbplatsen och för att förbättra din upplevelse online. Du kan när som helst konfigurera och acceptera användningen av cookies och ändra dina samtyckesalternativ.

Nödvändiga

Preferenser

Analys och statistik

Marknadsföring

Macluumaad af-Somali

Golaha shacabka ee magaalo cagaaran oo dadka dhan u furan

Ka qeybgal shaqada lagu gaarayo yoolalka deegaanka iyo cimillada ee magaalada 2030

Golaha shacabka ee Göteborgs Stad wuxuu diiradda saarayaa sida aan u abuuri lahayn magaalo cagaaran oo dadka dhan u furan.

Si aad isku diiwaan galisid ka qeyb qaadashada kulamada wada tashiga magaalo cagaaran waxaa muhiim ah in aad u ogaaltid Göteborg Stad in ay heysan karto macluumaadkada qaaska ah ee kugu saabsan. Maclumaadkaada waxaa loo heysanayaa si loo xusho codsigaada ka qeyb qaadashada iyo sidii laguula soo xiriiri lahaa hadii aad ka mid noqotid dadka loo dooran doono ka qeyb qaadashada, Xogtaada waxaan heysan doonaa si aan u ogaano ka qeyb qaadashada kulamada mar kasta uu dhaco.

Hadii aad heshid oo aad ogaaltid ka qeyb qaadashada kulamada magaalo cagaaran oo dadka dhan ku deeqda xogtaada waxaan heysan doonaa ugu badnaan ilaa iyo inta ay howshaan socoto oo ah 31 May 2026. Hadii aadan ka mid noqon dadka la doortay xogtaada waxaa la heysanayaa ila iyo inta xulada dadka socoto ugu danbeyn 16 maarso 2026 markaas kadibna xogtaas waa la tuurayaa oo lama sii heysan doono.

Göteborg way koraysaa, innagoo badanna waxaan wadaagaynaa waddooyinka iyo fagaarayaasha. Baahiyo badan ayay tahay in la gaarsiiyo goobaha jira: nolosha iyo goobaha lagu kulmo, doogga, ganacsiga, adeegyada iyo hababka kala duwan ee socdaalka. Waxaa kaloo na horyaala loollan ah in la abuurro magaalo leh ikooloji waara iyo cimillo dhexdhexaad ah 2030. Si aan ugu guulaysanno waa inaan hadda isbeddelnaa.

Magaalada Göteborg waxay arrimaha cimillada iyo deegaanka ka leedahay hammiyo sare. Waxaad halkan ka akhrin kartaa barnaamijka cimillada iyo deegaanka ee magaalada Göteborg: Göteborgs Stads miljö- och klimatprogram 2021-2030 (Linki dibadda ah, af Iswiidhish)

Ujeeddo

Inta lagu guda jiro xilliga dayrta-guga 2025–2026 waxaa la fulinayaa golaha shacabka halkaas oo ay dadweynaha Göterbog u soo gudbinayaan tallooyiin siyaasiyiinta si sare loogu qaado fursadda gaarista yoolka cimillada iyo deegaanka ee magaalada Göteborg 2030.

Dadaalka bilowga golaha shacabka wuxuu ka yimid golaha deegaanka (kommunfullmäktige) oo magaalada faray samaynta nidaamka golaha shacabka.

Halkaan ka sii akhri shaqada dimuqraadiyadda ee magalada: Så kan du påverka och vara delaktig (Linki dibadda ah, af Iswiidhish)

Maamulka

50 (koontan) qof ayaa kulmaya afar Sabti oo kala ah:

Sabtida 21 Feb.

Sabtida 14 Mar.

Sabtida 18 Apr.

Sabtida 9 May

Kulamado waa 09 30 - 1630 (7 sacadood sabtikasta)

Labada kulan ee hore waxay diiradda saarayaan aqoonuruurin iyo fursad ay xubnaha isku bartaan. Kulamada kale waxaa bilaabanaya shaqada lagu baadigoobayo tallooyinka ay golaha shacabka ka sii shaqayn doonaan.

Kulanka ugu horreeya iyo kan ugu dambeeya waxaa joogaya siyaasiyiin ka socda guddiga deegaanka ee magaalada si ay si rasmi ah golaha u furaan una qabtaan tallooyinka.

Waxaa kaloo joogi doona dad dibadda ka ah oo leh dowrka goobjooge ah oo eegaya sida howsha iyo wadahadallada ku socdaan.

Sookoobid

Dad dhan 1200 oo deggan Göteborg, una dhexeeya 16 iyo 90 jir ayaa lagu casuumay golaha shacabka. Kulli inta loogu yeeray ayaa foom ugu soo gudbin kara danayntooda ka qeybqaadasho ee golaha shacabka, waxaana laga jawaabayaa su’aalo ay ka mid yihiin da’da, jinsiga, heerka waxbarasho iyo heerka dakhli. Inta soo gudbisay danaynta 50 ka mid ah ayaa si bakhtiyaa nasiib ah loogu xulayaa kursi ka mid ah golaha shacabka. Waxa aan rajaynayno in aan gaarno ayaa ah Göteborg-yar halkaasoo xitaan aan gaarayno koox naadir uga qeybqaadata wadahadallada ay Göteborgs Stad dadka ugu yeerto.

Weydiinta

Sideed u aragtaa ka Göteborg ahaan ayaan mudnaanta u kala siinnaa meelaha ku yaal waddooyinka iyo fagaarayaasha – inta u dhexeysaa nolosha magaalada, doogga iyo gaadiidka?

Qabanqaabiye

Göteborgs Stad oo kaashanaysa Digidem lab

Arrimaha

Mowduucyada deegaanka iyo cimillada, horumarinta magaalada

Kuwa ka qeybqaadanaya

Golaha shacabka waxaa ka qeybqaadanaya, ka sokow xubnaha golaha, xitaa siyaasiyiin, shaqaaIe dowladeed, khubarrada mowduuca golaha shacabka horyaala iyo goobjoogayaal. Gebi ahaan kuwani waxay leeyihiin dowrar kala duwan oo waxay ka qeybqaadanayaan xilliyo kala duwan ee kulamada golaha.

Maxaa la go’aaminayaa

Golaha shacabka waxay diyaarinayaan tallooyin siyaasiyiinta guddiga deegaanka ee magaalada ay qabanayaan.

Bekräfta

Logga in

Lösenordet är för kort.